Radio





Random Video

Random Avatar

Poll

Al-Shabab maxay yihiin?

Dad xumaato wadato!

Dad amaano wadato!

Somali Weblinks

Users Online

· Guests Online: 32

· Members Online: 0

· Total Members: 413
· Newest Member: Salman4us

Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.


Advertisement

Random Photo

Ads

Tell A Friend


Your email:
Friend's email:
Copy for you?


Goobihii shalay ee dagaaladu ay ka dhaceen ee caasimada Somalia oo saaka degan

Waxaa saaka degan goobihii dagaaladu ay ka dhaceen ee caasimada Somalia kuwaas oo ay ka dhaceen dagaalo ay iskaga hor yimaadeen ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia iyo xoogga Islaamiyiinta kuwaas oo ku dagaalamayay gacan ku haynta magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Somalia.


Degmooyinka Kaaraan iyo hawl wadaag ayaa degan iyadoo ay ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia iyo xoogga kasoo horjeeda ee Islaamiyiinta ay kala joogaan goobihi ay kala degenaayen dagaalkii shalay ka hor iyadoo aysan jirin goobo ay kala qabsadeen marka laga yimaado guulo ay kala sheegteen dagaalkii shalay.

Degmada Kaaraan ayaa degan iyadoo ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia iyo xoogga kasoo horjeedaa ay is hor fadhiyaan kuna sugan yihiin dhufaysyo ay ka qoteen xaafadaha Degmada Kaaraan dhexdeeda taas oo dhibaato xoogan ku haysa inta yar ee shacabka ku hadhay xaafada Degmada kuwaas oo aan ka bixi karin.

Degmada Hawl wadaag ayaa sidoo kale iyaduna degan oo ah goobihii dagaaladu ay shalay ka dhaceen iyadoo saaka ay jiraan dad hor leh oo ka qaxaya Degmadaasi kuwaas oo u qaxaya xaafada kale oo ay markaasi u arkaan inay naftooda ku badbaadin karaan iyadoo ay saaka sidoo kale ay dadku u qaxayaan Gobolka Sh/hoose.

Isku soo wada duboo dagaaladii shalay ka dhacay Degmooyinka Kaaraan iyo Hawl wadaag ayaa waxaa ku geeriyooday 25 qof halka 60 kalena ay ku jiro Isbitaalada magaalada Muqdisho una jiifto dhaawacyadii shalay kasoo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Somalia

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Powered by PHP-Fusion and released without warranties under GNU Affero GPL v3.