Dawlada KMG ah ee Somalia iyo xoogga kasoo horjeeda oo guulo kala sheegtay dagaalkii shalay
Dagaalkan ayaa waxaa guulo xoogan kala sheegtay dhinacyadii dagaalamayay iyadoo dhinac kastaa uu qabtay shir jaraa'id oo uu kaga hadlayo dagaalkii shalay ka dhacay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho kuwaas oo uu ku dhexmaray dagaal khasaare xoogan gaystay iyo waliba duqaymo xafadaha ah.
Sheekh Cali Maxuud Raage (Sheekh Cali dheere) oo ah Afhayeenka Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxa uu xusay mar uu shir jaraa'idku qabtay magaalada Muqdisho in dagaalkii shalay ay guulo xoogan ka gaadheen ayna la wareegeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia dagaalkii shalayna kaga itaal roonaadeen.
Sidoo kale afhayeenka Ururka Xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa waxa uu xusay in ay ciidamada Dawlada KMG ah ee Somalia ay ka dileen ciidamo aad u fara badan kuwaas oo hadda yaal goobihii dagaalada ayna guulo xoogan ka gaadheen dagaaladii shalay kuwaas oo hadda uu ku tilmaamay inay gabi ahaanba ciidaada Dawladu ay aaggii shalay baneeyeen.
Hadaba Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ah wasiiru dowlaha gaashaandhiga dowladda KMG kuna labisan dharkii ciidanka ayaa isaguna waxa uu shir jaraa'id ku qabtay xarunta Villa Somalia halkaas oo ku xusay iny dagaalkii shalay ku awood roonaadeen jabiyeena ciidamadii Islaamiyiinta ayna hadda goobihii dagaalada ay iyagu ku sugan yihiin
Comments
Post Comment
Ratings
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.












Somali Weblinks







Ads
