Radio





Random Video

Random Avatar

Poll

Al-Shabab maxay yihiin?

Dad xumaato wadato!

Dad amaano wadato!

Somali Weblinks

Users Online

· Guests Online: 51

· Members Online: 0

· Total Members: 413
· Newest Member: Salman4us

Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.


Advertisement

Random Photo

Ads

Tell A Friend


Your email:
Friend's email:
Copy for you?


Afhayeenka Alshabaab oo ka digay dagaalo lugta ay ka qeyb qaataan AMISOM

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa uga digay ciidamada AMISOM inay dagaalka toos uga soo biiraan oo ay kala qeyb qaataan Ciidamada Dowladda oo ay dagaalka haatan si rasmi awoodooda ugu wiiqaan.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in hadii ay AMISOM ka qeyb qaatado dagaalka ay noqon doonto mid keenta xasuuq baaxad leh iyo dagaalo faraha looga gubto, isagoona balan ku qaaday in hadii ay xeryahooda ka soo baxaan ay jab u geysan doonaan.

Waxaa uu beeniyay warar ka soo baxay Dowladda ee ku aadanaa in dagaalyahano ajaaniib lagaga dilay dagaalka, waxaana uu tilmaamay in dadka la dilay ay ahaayeen mujaahidiin soomaali ah oo aan warkaas waxba ka jirin hadii ay jirtana ay saxaafada u soo bandhigaan.

Sidoo kale waxaa uu Sheekhu sheegay in ciidamadooda ay gaareen goobo hor leh oo ay joogeen Ciidamada Dowladda waxaana uu sheegay inay sii wiiqi doonaan awooda dowladda.

Waxaa uu ka digay qorshayaasha ka socda Magaalada Sirte ee dalka Libiya kaasoo lagu go'aaminayo in AMISOM dagaalada toos uga qeyb qaato, waxaana Midowga Afrika lagu wadaa inuu ogolaado in dagaal lugta ah ka qeyb qaadato.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Powered by PHP-Fusion and released without warranties under GNU Affero GPL v3.