Barakacii ballaaran oo ka soconaya Shibis, Boondheere iyo C/casiis kadib markii dagaalada ku soo fideen
Dadkan qaxaya ayaa isugu jira haween caruur iyo waayeelo, kuwaasi oo ka baxsanaya saameynta dagaalka, oo aad ugu soo dhowaaday kadib markii kooxaha mucaaradka soo gaareen goobo hor leh.
Sida ay sheegayaan wararka dadkan ayaa ka sii qaxaya magaalada intii ka harsaneyd ee maalmihii u dambeeyay loo qaxayay, iyagoo ka baqdin qaba in dagaalka sii faafo, waxaana ay maciinsanayaan gobolada ku dhow dhow Muqdisho.
Kooxaha mucaaradka ayaa ku sugan Daarta Beexaani ilaa Nasiib Buunde taasoo muujineysa sida ay horumar uga sameeyeen dagaaladii shalay iyo doraad, waxaana damacooda yahay inay sii wadaan dagaalka oo ay ku wiiqayaan ciidamada dowladda.
Qasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray dagaalada ayaa sii kordhaya waxaana duqeymihii shalay dhacay ay sababeen dhimashada dad gaaraya 30 ruux iyo dhaawaca in ku dhow boqol
Comments
Post Comment
Ratings
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.












Somali Weblinks







Ads
