Radio





Random Video

Random Avatar

Poll

Al-Shabab maxay yihiin?

Dad xumaato wadato!

Dad amaano wadato!

Somali Weblinks

Users Online

· Guests Online: 35

· Members Online: 0

· Total Members: 413
· Newest Member: Salman4us

Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.


Advertisement

Random Photo

Ads

Tell A Friend


Your email:
Friend's email:
Copy for you?


Real Madird oo lasoo wareegtay ciyaaryahanka kooxda Lyon Karim Benzema

Weeraryahanka caanka ah ee dalka Faransiiska Karim Benzema ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Real Madrid kadib markii uu kasoo wareegay kooxda ka dhisan dalka France ee Olympique Lyon marki ay ku heshiiyeen labada naadi.

Hadal qoraal ah oo ay ku saaciyey Lyon bogeeda internetka ee(www.olweb.fr) ayey ku xaqiijisay in Benzema ay ka iibisay kooxda Real Madrid ee dalka Spain iyadoona kooxda sheegtay in ay u heshay lacago dhan 41 million oo lacagta euros ah.

Weeraryahankan 21 jirka ayaa noqonaya ciyaaryahanki sadexaad ee kusoo biira kooxda Real dhawaanahan,waxaa horay ugu soo biiray ciyaaryahanada kala ah Kaka iyo Cristiano Ronaldo.

Benzema,oo kasoo caawiyey kooxda Lyon afar horyaal oo xiriir ahaa inti udhaxeeysay sanadihii 2005 iyo 2008 ayaa dhawaanahan lala xiriirininaya in uu sii joogi doono kooxdiisa,hase yeeshee waxaa uu si lama filaan ah ugu biiray kooxda Real.

Ciyaaryahan Benzema ayaa waxaa uu ku dhashay magaalada Lyon ee dalka France,waxaa iska dhalay hooyo iyo aabe kasoo jeeda dalka Algeria,Benzema waxaa uu noqday nin la yaab leh marki uu jiray 17 sano isaga oo isla sanadkaasi saftay kulankiisii ugu horeeyey ee horyaalka Ligue 1 dalka Farcne sanadi 2005,xilli ciyaareedkiisii ugu wanaagsanaa waxaa uu ahaa 2007-08 markaas oo uu qaaday gol dhalinta horyaalka Farasiiska oo uu ku qaaday 20 gool,waxaa uu markaasi xitaa la qaaday kooxdiisa horyaalka iyo koobka dalkaasi.

Wuxuu ka mid ahaa ciyaartooyda xulka France ee da,doodu ka hooseeyso17-ka sano ee qaaday koobka Qaarada Yurub sanadi 2004 isaga iyo ciyaaryahanka Arsenal Samir Nasri sanadi 2004, Benzema wuxuu udhaliyey xulka France lix gool 24 kulan oo uu usaftay.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Powered by PHP-Fusion and released without warranties under GNU Affero GPL v3.