Radio





Random Video

Random Avatar

Poll

Al-Shabab maxay yihiin?

Dad xumaato wadato!

Dad amaano wadato!

Somali Weblinks

Users Online

· Guests Online: 66

· Members Online: 0

· Total Members: 413
· Newest Member: Salman4us

Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.


Advertisement

Random Photo

Ads

Tell A Friend


Your email:
Friend's email:
Copy for you?


Ciidamo ka tirsan Milatariga Itoobiya oo kusoo dhawaaday magaalada Beledweyn

Ciidamo ka tirsan Milatariga dalka Ethiopia ayaa xalay soo gaaray deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 20km dhinaca waqooyi bari kaga beegaan magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan,halka ciidamado ka tirsan Xarakada Shabaab Al Mujaahidiin ay ku dhawaadeen iyagana magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegeen dad reer guuraa ah oo ka agdhaw halka ay kala joogaa labada dhinac waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo saan saan colaadeed oo umuuqata in laga yaabo in labada dhinac ay isugu yimaadaan magaalada B/weyne halkaas oo ay suurta galtahay in dagaalo ay ka dhacaan.

Ciidamadan Itoobiya ee xalay soo gaaray deegaanka Ceelgaal ayaa waxa ay ka soo kicitimeen isgoyska Kalabayrka oo ay muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaayeen, waxayna ciidamadaasi oo aad u hubeysan ay u muuqdaan kuwo qorshaynaya inay gaaraan magaalada Beledweyne, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi.

Dhinaca kale Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa lagu soo warramayaa in heegan buuxa la geliyay deegaanada Tre-jante iyo Nuur Fanax oo udhaxeeysa magaalooyinka B/weyne iyo Buulo-Barde ee gobolka Hiraan,waxaana madax ka tirsan hogaanka ciidamadaasi ay wacad ku mareen in ay la dagaalami doonaan ciidamada Ethiopia.

Tan iyo marki la qaarijiyey wasiirkii Amaanka Qaranka ee Dowlada KMG Somalia Cumar Xashi waxaa jiray dhaqdhaqaaqo ciidan oo ay wadeen dowlada KMG Somalia iyo ciidamada Ethiopia ee soo galay carada Somalia,waxaana magaalada B/weyne maamulka ka arrimiya ay sheegeen in ay wadaan qorshayaal lagu sugayo amaanka taasoo umuuqata in dagaalo ay qorsheeynayaan.

Waa marki ugu horeeysay oo ay soo gaaraan ciidamo Itobiyaan ah deegaanka Ceelgaal tan iyo marki ay ka baxeen dhamaan dalka Somalia horaanrii sanadkaan,dhawaan ayaa madaxda Ethiopia waxaa ay sheegeen in ay fara gelin doonaan Somalia hadii ay qatar ka timaado xoogaga Islaamiyiinta.

Comments

#1 | jaabir on July 02 2009 16:59:17
asalaamu c/kum wr/wbr waxaan rabaa inaan usheego walaalaha mujaahidiinta ineysan kawal walin soo gelitaanka xabashida ,sida aad ogtihiin ithopia waa tii shalay oo aad uga saarteen ilaaheey fadligiisa xoog eysan uga bixin somaliya wadahal ey lagashay daba dhilifka shariif maantana lagama yaabo iney idin soo hor istaagto maxaa yeelay waa fualy waa gaal aan dhimasho rabin adinkana waxaad rabtaan shahaado iyo janada ilaaheey *|*|* isku mid matihiin ee waxaad yeeleysaan intaad ilaaheeey talada udhiibataan aadna jilbaha udhigataan ciidankaan gaalada ah mideeda kale waxaa shacabka somaliyeed u,cadaatay inuusan eheyn shariifka iyo waxa uu wato dawlad balse ey tahay daba dhilif nimo waa qarazaaygii afganistan iyo maalikgii ciraaq *|*|* mujaahidiintow hatala saaranina tiro badnaan iyo hub badnaan ee talada ilaaheey udhiibta hana udhaga raaricinina munaafiqiinta kadagaalam afka wabilaahi towfiiq wasalaamu c/kum wr/wbr

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Powered by PHP-Fusion and released without warranties under GNU Affero GPL v3.