Radio





Random Video

Random Avatar

Poll

Al-Shabab maxay yihiin?

Dad xumaato wadato!

Dad amaano wadato!

Somali Weblinks

Users Online

· Guests Online: 42

· Members Online: 0

· Total Members: 413
· Newest Member: Salman4us

Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.


Advertisement

Random Photo

Ads

Tell A Friend


Your email:
Friend's email:
Copy for you?


Midawga reer Yurub oo ku baaqay in ciidamada AMISOM loo fasaxo inay dagaalamaan

Midawga reer Yurub ayaa waxa ay ku baaqeen in ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha wadanka Somalia la siiyo fasax balaadhan kaas oo ah inay ka hawlgeli karaan gudaha wadanka Somalia ayna la dagaalami karaan Islaamiyiinta mayalka adag ee hadda dagaalka kula jirta Dawlada KMG ah ee Somalia.


Luwis Misheel oo ah u qaybsamaha Midowga reer Yurub ee dhinaca hormarinta iyo kaalmooyinka bini'aadanimada ayaa waxa uu sheegay mar uu saxaafada la hadlayay in wadamada reer Yurub ay doonayaan in midawga Africa uu balaadhiyo hawlaha ciidamada AMISOM ee ku sugan wadanka Somalia si ay waajibaadkooda u gutaan.

Sidoo kale Luwis Misheel ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay difaacaan Dawlada KMG ah ee Somalia oo ay hadda dagaalo kula jiraan Islaamiyiin mayal adag kuwaas oo doonaya inay meesha ka saaraan Dawlada KMG ah ee Somalia isagoo xusay in ciidamada gaadhaya 4,300 ee askari ay u baahan yihiin in la fasaxo.

Arintan ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xilli uu shir ka socdo magaalada Serta ee Dalka Libya isaoo Luwis Misheel uu shir ku qabtay magaalada Serta meel banaanka ka ah shirka looga hadlayo arimaha Somalia iyadoo sidoo kale uu xusay in midsawga reer Yurub ay taageerayaan go'aanka ah in la fasaxo.

Hadaba shirkan ayaa sidoo kale waxaa ku sugan madaxwaynaha Dalka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadoo uu doonayo in shirkan ay kasoo baxaan qodobo mihiim u ah Dawlada KMG ah ee Somalia kuwaas oo deg deg loogu hawlgalo iyadoo midawga Africa uu ka fakarayo sidoo hawlaha ciidamada AMISOM loo balaadhin lahaa.

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Powered by PHP-Fusion and released without warranties under GNU Affero GPL v3.