Xaaladda goobihii ay shalay dagaaladu ka dhaceen ee woqooyiga Muqdisho oo saaka degan iyadoo qasaaraha ka dhashay uu sii kordhaya
Inkastoo aanay jirin saaka wax iska hor imaad ah toos ah oo dhacaya haddana waxaa suurto gal ah mar walba inuu dagaal culus qarxo maadaama ay dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay weli isku hor fadhiyaan, isla markaana ay labada dhinaca soo gaarayaan ciidamo gurmad ah.
Dagaallada shalay gelinkii dambe ilaa xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa waxay saameyn xooggan ku yeesheen xaadafo maalmihii ug ugu dambeeyay laga dareemayay deggenaansho isla markaana ay qoysaska halkaasi ka barakacay qaarkood ay quudaraynayeen inay dib ugu laabtaan, waxaaan taa bedelkeed saaka barakacaya qoysaskii fara ku tiriska ahaa ee xaafadahaasi ku haray, ka dob markii ay quus ka muujiyeen xaalada goobahaasi.
Dhinaca kale waxaa isa soo taraya qasaaraha ka dhashay dagaalkii iyo duqeyntii shalay gelinkii dambe ilaa xalay ka dhacday degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid, waxaana la xaqiijiyay inay dagaalladaasi ku dhinteen in ka badan 15 ruux, halka ku dhowaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo dhamaantood ahaa dad rayid ah, lamina oga ilaa qasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayey.
Comments
Post Comment
Ratings
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.












Somali Weblinks







Ads
