Radio





Random Video

Random Avatar

Poll

Al-Shabab maxay yihiin?

Dad xumaato wadato!

Dad amaano wadato!

Somali Weblinks

Users Online

· Guests Online: 65

· Members Online: 0

· Total Members: 413
· Newest Member: Salman4us

Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.


Advertisement

Random Photo

Ads

Tell A Friend


Your email:
Friend's email:
Copy for you?


Sarkaal sare oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ee magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan iyo ciidamo uu watay oo u galay ururka Xisbul Islaam

Taliyihii ciidamada Ammaanka Maxkamadaha Islaamiga degmada Beledweyne ee taabacsan dawladda federalka Soomaaliya Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf ayaa la xaqiijiyay inuu saqdii dhexe u talaabay dhinaca galbeed ee magaalada Beledweyne halkaasina uu isku dhiibay xoogagga Xisbul Islaam iyo Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada ayaa waxaa la sheegay in uu la goostay labo gaari oo mid ka mid ah uu yahay gaadiidka dagaalka ah iyo in ka badan 50 askari oo horay uga tirsanaa ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee taabacsan dawladda federalka Soomaaliya kuwaasoo hadda la xaqiijiyay inay ku biirinayaan xooggga Xisbul Islaam.

Taliyaha ciidamada Ammaanka maxkamadaha Islaamiga degmada Beledweyne Sheekh Ibraahim Yuusuf oo hadal kooban saxaafada siiyay ayaa waxa uu sheegay inuu ka soo goostay Maamulkii Maxkamadaha islaamiga gobolka Hiraan ee taabacsan dawladda federalka isla markaana uu ku sugan yahay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Hawlwadaag ee galbeedka magaalada Beledweyne, wuxuuna intaasi ku daray inay wada hadallo u socdaan saraakiisha Xisbul islaam, saacadaha soo socdana ay si wada jir ah saxaafadda u qaban doonaan shir jaraa’id.

Goosashada Taliyihii ciidamada Ammaanka degmada Beledweyne ee Maxkamadaha Islaamiga ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli saacadihii ugu dambeeyay ay soo shaac baxayeen khilaaf soo kala dhex galay Madaxda iyo saraakiisha Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Hiiraan kaasoo salka ku haya ciidamada Itoobiya ee deegaanadaasi ku sugan iyo waxyaabo kale oo la xiriira, waxaana arimahaasi ay sababeen in Sheekh C/raxmaan Mocow oo ahaa guddoomiyii maamulkaasi looga yeero magaalada caasimadda ah ee Muqdisho

Comments

No Comments have been Posted.

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Powered by PHP-Fusion and released without warranties under GNU Affero GPL v3.