Germany oo hantay xalay koobka Qaramada Yurub ee ciyaartooyda ka yar 21-ka sano
Ciyaarti xalay oo aheyd finale oo ka dhacday magaalada Malmo ayaa waxaa dhulka lagu jiiday kooxda qaranka da,yarta dalka Ingiriiska oo ciida la cunsiiyey kadib markii lagu dubtay 4-0 iyadoona xidiga garoonka uu ahaa wiilka da,da yar ee reer Germany ninka la yiraahdo Mesut Ozil oo dhaliyey mid ka mid ah afarta gool deetana abuuray laba kale oo uu lugtiisa ku dhiibay.
Ciyaaryahan Mesut Ozil ayaa saxiixay hal gool laakin waxaa lugtiisa ka baxay goolasha kale oo ay ku baashaaleen ciyaaryahanada kala ah Gonzalo Castro oo laba gool dhaliyey iyo Sandro Wagner.
Inigiriiska weey dadaaleen qeybtii danbe ee ciyaarta iyada oo macallin Stuart Pearce oo ka niyad jabay ganaaxa la saaray ciyaaryahanada Gabriel Agbonlahor iyo Fraizer Campbell,iyo sidoo kale gool haaye Joe Hart,hase yeeshee waxaa si aad ah umuuqday xidigaha kala ah Walcott iyo Milner.
Comments
Post Comment
Ratings
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.












Somali Weblinks







Ads
