Radio





Random Video

Random Avatar

Poll

Al-Shabab maxay yihiin?

Dad xumaato wadato!

Dad amaano wadato!

Somali Weblinks

Users Online

· Guests Online: 42

· Members Online: 0

· Total Members: 413
· Newest Member: Salman4us

Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.


Advertisement

Random Photo

Ads

Tell A Friend


Your email:
Friend's email:
Copy for you?


Mashruuc Bogaadintiisa iska leh

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W).

Tan iyo intii la doortay maamulka cusub ee maamul goboleedka Puntland, ee uu odeyga ka yahay Mudane Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, waxa isa soo tarayey hadalada loo riyaaqayo ( Positive ) ee kasoo baxayey qaabka iyo hanaanka waxqabad ee maamulkaasi. Runtii waa arimo lagu farxo iyadoo uu maamulku jiro in ka yar lix bilood in markiiba loo jeedo arimaha la taaban karo ee ay ku tallaabsadeen. Arimaha aadka loogu farxo ee uu maamulku ku dhaqaaqay waxaa ka mid ah:-

* Joogteynta Mushaaharaadka shaqaalaha iyo ciidamada.
* Hor istaagii lacagihii sida khaldan loo isticmaali jiray.
* Nabadgelyada guud ee deegaanada Puntland.
* Ku dhiiragalinta shirikaadka sida gaarka ah loo leeyahay in ay wax ka qabtaan horumarka dalka.
* Ku Dhiirigalinta aqoonyahanda u dhashay Puntland inay dalkooda ku soo noqdaan.



Haddaba qormadeydan ujeedada aan ka leeyahay waa in aan halkan uga hambalyeeyo Shirkadda isgaarsiinta Golis barnaamijkan uu dhagaxdhigiisa uu lahaa madaxweyne Faroole ee ay ka hirgalinayso waddooyinka Puntland, ee calaamadaha nabadgelyada waddooyinka. Shirkaddu runtii waxa ay tusaale wanaagsan u tahay Shirkadaha kale bal iyagana inay mashruucyo noocaas oo kale ay ka fuliyaan deegaanada Puntland.

Runtii geeridu waa xaq, haddana Allaah ka soke waddada dheer ee isku xirta Min Boosaaso illaa iyo Gaalkacayo lama tirin karo inta qofood ee shil dartiis ugu geeriyooday. Waxaa hadda ugu danbeeyaya Allaha u naxariistee taqtarkii caanka ahaa ee deegaanada Puntland Dr. Boob. Lama tirin karo inta qofood oo qiimo lahaa ahaa oo deegaanadaas u dhashay oo dariiqaas ku maqan. Haddaba maanta haddii uu maamulku gartay in uu arintaas wax ka qabto runtii waa tallaabo soo dhaweynteeda iska leh, loogana baahan yahay dhammaan bulshada inta wanaag doonka ah inay ka mahad celiyaan.

Shirkadda Golis runtii waxaan leeyahay waxaad qaadeen tallaabo waddaninimo iyo islaamnimoba xambaarsan oo runtii taariikhda gali doonta, una noqon doonta inta wanaag doonka ah mid ay ku daydaan. Mar kale iyo saddexba waxaan idiin leeyahay Allaha idinka abaal mariyo camalka kheyriga ah ee aad dadkiina iyo dalkiina u qabateen.

Maamulka madaxweyne Faroole waxaan leeyahay haddii aad ku waddaan nidaamkan iyo qaabka aad hadda wax ku waddaan, oo aad bulshada u horseedaan wax walboo horumar ah oo la hiigsan karo, taariikhdaa idiin xusi doonta, oo waxaad gali doontaan baal dahab ah. waxaan idiin leeyahay iska ilaaliya inta balada iyo fidnada ehelka u ah oo mar walba kasoo horjeeda horumarka.

Bulshada reer Puntland guud ahaan waxaan leeyahay ku taageera maamulka wax walboo wanaag ah ay sameeyaan oo dhaliisha iyo cambaareynta wax duminta ku dhisan ka ilaaliya. Maamul walboo jira waxaa indho u ah bulshadiisa oo markey wanaag sameeyaana ku bogaadiya, markey khaldamaana isku daya inay si wanaagsan u saxaan.

Haddaba qormadeyda waxaan ku soo afjarayaa oo aan Allaah ka baryayaa in uu mar walbaa naga dhigo kuwo wanaaga isugu gargaara, xumahan iska reeba Aaaamiiiin.

Waxaan kaloo qormadeydan uga faa’ideysanayaa oo aan Allaah ka baryayaa in uu qaboojiyo dagaalada ka socda Koonfurta Soomaaliya. Kooxaha dagaalamayana waxaan leeyahay war isu imaada oo miis soo wada fariista, oo fura baabka wadahadalka. Wadahadal ayaa lagu gaari karaa xal, xabad xal maaha. Runtii Muqudisho waa wadnihii waddanka, iyadoo holceysana Soomaali oo idil hurdo iyo nasasho uma taal.

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Comments

#1 | cheap Women's ugg highkoo boot on December 28 2009 02:39:32
YS1228A8 Great job!Thanks for the message sUPplier!There are amazing ugg bootssale promotions on our company to thank for the moncler jacktets customer and to embrace the coming Christmas,once you buy an ugg classic argyle knit boots or ugg bailey button boots or other items on our website, you can Get One gift free.ugg mayfaire boots action is louder than ugg coquette slipper speak.Hurry UP,check and choose the gift you like on our website http://www.edhardy-buy.com/

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Powered by PHP-Fusion and released without warranties under GNU Affero GPL v3.