Odayaasha dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye: Af aan Addin lahayn!
Waxay ahaan jireen Madaxda Bulshada aan hadal lagu soo celin, balse curashadii Dawladii casrigii eheed kaalintoodii hoos ayey u dhacday, burbnurkii dawladda ayey soo laba kacleeyeen, waxay si toos ah uga qayb qaateen dagaaladii sokeeye oo ay leeyihiin qaybta ugu weyn!, waxay jabiyeen xeerarkii Soomaalida, waxay noqdeen danlay u taagan magaca Beesha, waxay horseed ka noqdeen tacadiyada ballaaran ee Dalka ka dhacay, ama sharci yeeyeen in lagu koco xad gudbyada, anigu waxaan ugu yeeraa: Oday Colaadyo!.
Kooxdaan Muqdisha isku magacowday Odayaasha dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye, waxay soo celiyeen ama dib usoo muujiyeen shaqaaqooyinkii hore, waa s'aale yaa doortay?!, Xagee lagu doortay?!, Yeyse matalaan?!, Golahaan wuxuu dhisan yahay ku dhawaad 3-ax sano haddana wax ay qabteen oo muuqdo ma jirto!, oon ka ahayn inay u kala jabeen laab garab, marka laga reebo hadal joogto ah, iyo warsaxaafadeed maalinle ah, dabcan waxaa lagu soo xasuusan doonaa dagaalkii afka ahaa ee ay kula jireen Xabashida soo gashay Dalka.
Balse markii Qabqablayaashii laga saaray Muqdisha, ayna bexeen Ciidamada Xabashida, Odayaashaan wax aragti ah sooma bandhigin, waxa dalka ka dhacaya ee ay ku wadaan Kooxaha Mooryaan Diimeedka waxba kama dhahaan, hadday tahay Qabuura Faagid, Dil, Cuuryaamin(Gacmo goyn, Lug & Gacan goyn), dhagax ku dilid, dagaal joogto ah ,IWM, sawirkaa muuqda wuxuu isoo xasuusiyey hees ay si talantaalli ah u wada qaadan Maxamed Nuur Xasan Giriig (AUN) iyo Maryan Mursal Ciise Bootaan oo hal ku dhaggeedu yahay: Hay dayrin, wuxuu leeyahay Maxamed Nuur Xasan Giriig:
Ninka dila Abesee
Ubadkeeda daystaa
Daajee rabbaystaa
Dib u qoomameeyee!
Xaawiyo dirkeeduna
Isma darajo dhaamaan!.
Waxaa ku dhacay Odayaashi sidaa oo kale, maxaa yeelay Qabqable ayey raacdeeyeen waxay soo xaraysteen Argagixso aan arxan lahayn, taasna ma ahan mid ay kaligood gooni ku yihiin, oo waxaa la wadaaga dhamman Bulshaad koorta Somaaliya degta.
Kooxdaan is magcawday Odayaasha dhaqanka & Midnimada Beelaha Hawiye, waa caadadeeniiye waxay u kala jabeen laba garab, garab waxaa sii daadihiya guddomiyihii hore Xaaji Aadan Iimaan, halka garabka kalana jor jooge u noqday Maxamed Xasan Xaad, illeen markii horaba ma jirin qanuun qoron, axdi dhigan, iyo xeer hoosaad, waa hayaacdo heshay Umad habacsan!.
Odayaashaan waa oogo aan lahayn diir, waa ogaal aan lahayn, kayd, waa dareen aan lahayn xis, waxayna ku keenaysaa inay noqdaan nugul aan lahayn adayg siyaasadeed, maan aan lahayn aragti fog, waxay ku fac yihiin Cambaaraynta, Dhaleecaynta, iyo Eedaynta, waase su'aale maxay Cambaarayni taraysaa falku markuu dhoco ka dib?
Aas-aaska kooxdaan wuxuu booska kala baxay ururadii Bulshada, miyaad maqashaan warkooda ayaamahaan?!, waxaa yimid rag ka burji sarreeya, sunta ay halmar afuufaan lagu wada suuxayo!, waxaa meesha ka baxay ururadii u olo-olayn jiray Nabadda, hor-u-marka iyo Xuquuqda aadanaha.
Kooxdaan awalba malahayn aragti sayaasadeed oo ay wax ku hagaan, waxay ku fashilmeen inay Nabad ku soo dabaalan deeganada ay degan yihiin Beelaha ay magacoodu ku hadlayaan ama ku qarabtaan, inay dhaliyaan xasilooni, iyo heshiis buuxa, bal eeg Guurtida Gobalada Waqooyi, ama Odayaasha Gobalada Waqooyi bari(Puntland), sida ay uga shaqeeyeen Nabadda & sidii maamul loo dhisi lahaa, oo hadda Bulshadaa ku dhaqan goboladaa ay ku haystaan Maamullo xumaan iyo samaan, si gaara u eeg C/laahi Yuusuf markii xilku u dhammaaday ee Gen. Cadde muuse loo magacaabay Madaxa Puntland C/laahi wuu ka soo hor jeestay wuxuuna dagaal ku soo qaday Garoowe, ugu dambayn waxaa lagu maslaxay in Gen. Cadde tanaasulo si loo badbaadsho dhiigga shacabka.
Odayaashaan iyaga ayaaba la kala safanaya garabyada dagaalka, garab way taageerayaan garabna way ka soo hor jeesanayaan, marka ay eheed inay dhex dhexaad ka noqdaa una kala dabqaadaan si loo helo xasilooni, ugu dambayn is magacow ma xumo balse waxaa lagaa rabaa wax qabad iyo natiijooyin wax ku ool ah, ma ahan inaad dhibka qayb ka noqoto ama aad mid cusub soo kordhiso, ee waa inaad keenta xalkii dhibka looga bixi lahaa, ama aragtidii looga gudbi lahaa, waxaase ayaan darro inaan wali ku soconno wadooyonkii halaagga, Qabiilka qalfooftiisii ayaa wali loo qabiran yahay!, qarnigii 21-aad ayaa dunidu maraysaa, Ninna wuxuu taagan yahay Qabiil hebel, miyeysan wuxu damiir iyo dux lahayn?!, miyeysan garan dhibka Qabiilku leeyahay?!, miyeysan wax ku qaadan dhacdooyinka iyo Sooyaalka?!, Dadka Xamar ma waxay ka doorbeed Dawladnimo Qabiil?!, waxay tahayba waa arimo murugo leh.
Bashiir. M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com
Comments
Post Comment
Ratings
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.












Somali Weblinks







Ads

plier!There are amazing