Radio





Random Video

Random Avatar

Poll

Al-Shabab maxay yihiin?

Dad xumaato wadato!

Dad amaano wadato!

Somali Weblinks

Users Online

· Guests Online: 44

· Members Online: 0

· Total Members: 413
· Newest Member: Salman4us

Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.


Advertisement

Random Photo

Ads

Tell A Friend


Your email:
Friend's email:
Copy for you?


Bahda Hamarey oo hambalyo u diraysa Umadda Soomaaliyeed 26 juun

Bahda hamarey iyo guud ahaan shacab weynahaa soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabada qiimaha wayn ee taariikhiga ah ee 26 june , munaasabadan oo ah maalintii u horeysay ee calan xor ah oo soomaaliyeed laga taago ciida, dhulka iyo geyiga soomaaliyeed. Kaasi oo si weyn ay ugu hanqal tageen guud ahaan shacabkii soomaaliyeed ee xilligaasi diyaar ka u ahaa in ay helaan xornimo daacad ah.

Calan waa Astan ama sumad matasha ummad leh wadan ugaar ah oo madax banaan kana mid ah qaramada aduunka ku bahoobay , Calankeena Buluuga ah oo xaqiiqdii aragtidiisu maanta qofka muwaadinka dhabta ah ee nasahan ku abuursaysa jidhiidhico & murugo wadata ciil . caloolyoow & Cataw Hoose waxaa aasaasay Fikradiisana Lahaa Ilaahay ha U naxariistee Maxamed Cawaale Liibaan Sanaddii 1954 Kii waxaana laga dhex doortay Dhowr astaamood oo maalinkaas la horgeeyay baarlamaankii Kumeel gaadhka ahaa.

Wuxuu matalayaa guud ahaan ummada soomaaliga ku hadasha Qolo kasta & dal kasta maanta ka hoostagaane , wuxuuna himiladiisu ahayd Ahayd In uu meel iskugu keeno. Umadda Soomaaliyeed ayaa ahayd kuwo u heelan in ay mar qura indhahooda ku arkaan calan u gaar ah si ay ula mid noqdaan shacabka caalamka ee markaasi si xor ah ugu noolaa Adduunka.

Soomaalidii xilligaasi u soo halgan tay Xornimada wadanka ayaa ahaa kuwo ay ku weyn tahay

soomaalinimadu iyo xoriyaddu. Umadda Soomaaliyeed ayaa aheeyd kuwo ixtiraam ku leh beesha caalamka markii ay qaadatey xoriyadda. Soomaalidu waxay dhisatey dawlada xilligaasi marba marka ka dambeysey sii wanaagsanaaneyey iyadoo ay dhaxashay wadanimo iyo daacadnimo

Kuma soo koobi karno Heesihi wanaagsanaa ee ay qaadi jireen soomaalidii xilligaasi xornimadda dhiigooda u soo cabay. Soomaaliyaa waxay ahayd wadan leh qiimo iyo qadarin. Soomaaliya waxay ahayd mid ka qiimo badan wadamo badan oo caalamka waxna laga weydiin jirey markii ay xornimadda Qaadatey.

Bal In Yar Ay Milicsano Wax Bedeley Soomaalidii Hore Ee Wadaniyadu Dhabta ka ahayd.

Runtii Soomaaliduu hore waxaa bedeley kuwo aan aqoon iyo xeelad midna u lahayn waxa ay tahay wadaniyad kuwaasi oo jecel in ay dalkana burburiyaan,dadkana dilaan, Soomalida Xilligan ma yaqanaan wax la yiraahdo "Xoriyad" Amase Wadan Xor ah .Balse waxay yaqanaan sidee ku noqonaa Madaxweyne ama Masuul Sare oo ugu talinaa Dadka,iyagoo ka duulaya in ay si xoog ah u maamulaan dad aan rabin

Soomaaliya looma baahna xilligan la joogo in ay maamulan dad ay ka dhabtahay wadaniyaddu balse waxaa loo baahaan yahay kuwo uu heelan in ay Burburiyaan Dalka iyo dadka kuwasi oo caado iyo dhaqan ka dhigtey sidii ay dhiiga shacabka soomaaliyeed ugu gorgortami lahayeen. Runtii Soomaalida Maanta Joogtaa Waxay dhamaan u wada heelan yihiin Yar iyo Weyn sidii ay u noqon lahayeen Madaxweyne amase Hogaamiye dad koox ah meel ku haysta.

Bahda Hamarey.com]
Soomaaliya

Comments

#1 | cheap Women's ugg highkoo boot on December 28 2009 02:41:22
YS1228A8 Great job!Thanks for the message sUPplier!There are amazing ugg bootssale promotions on our company to thank for the moncler jacktets customer and to embrace the coming Christmas,once you buy an ugg classic argyle knit boots or ugg bailey button boots or other items on our website, you can Get One gift free.ugg mayfaire boots action is louder than ugg coquette slipper speak.Hurry UP,check and choose the gift you like on our website http://www.edhardy-buy.com/

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Powered by PHP-Fusion and released without warranties under GNU Affero GPL v3.