Shiikh Shariif ma Shalay buu Saxnaa mise Maanta ayuu Sheedda ka weecday?!.
Ninba maalin ayey Baddu soo tuftaa, marbuu soo shaac baxaa. Magaciisu gayiga wada hareeyaa, marbuu caan noqdaa, dhacduu ku soo caan baxaa, Sh. Shariif yaa garnayey dhaqdhaqaaqyadii Maxkamadaha ka hor, si gaar ah yaa yaqaanay 2006-dii ka hor, si xadidan yaa yaqaanay intaan loo magacaabin Gudoomiyaha Maxkamadaha, wuxuu ahaaba iyo xilliguu soo caan baxayba wuxuu ka mdid noqday Dadka ugu magaca dheer 3-dii sano ee ugu dambaysay Siyaasadda Soomaaliya.
Hardankii Siyaasadda ee ka socday Soomaaliya wuxuu ku arooray Diin(waa sida loo dhigay), waxaa waranka qaatay wadaadadii, waxaa hardan la isaga hor yimid gacan ku haynta Magaalada Muqdisho, waxaa la kala galay Isbahaysiyo, mid ay ku bahoobeen Qabqablayaashii Muqdisha, kan kalana ay ku Walaaloobeen rag sheeganaya Wadaaddo, waxaa dagaal qaraar la isaga hor yimid magaalada Muqdisha 18-kii February 2006-kii waa sii laba lixaad saday wuxuuna ku baahay guud ahaan Xaafadaha iyo Degmooyinka Magaalada Muqdisho, Qabqablayaashii waa laga saaray Muqdisha, waxayna eheed guul loo riyaaqay, waxaa magaaladii u haray Wadaadadii, Sh. Shariif waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha Midowga Maxkadaha, waxaa halhays Sh. Shariif u aha inuu doonayo in la dhaqan galiyo Shareecada Islaamka, waxay maalmuhu is rog rogaanba Midawga Maxkamadahii waa laga soo saaray Muqsisha, waxaa cagta mariyey Xabashidii ay u wacdeen Xigaaladooda, iyo dabcan dano la xiriira Amniga Dawladda Ethiopia, waxay noqdeen wadaadadii wax howdka gala iyo wax u hayaama dibadda, is urursi ka dib waxaa la qabtay shirkii Asmara, waxaa ugu tun weynaa Wadaadada oo ay taladoodu socotay, Shirka waxaa ku wehliyey xubno la magac baxay Baarlmaanka xorta ah, aqoon yahanno iyo qurbo joog, balse kaalinta aqoon yahanka waa la laalay wayna isaga heleeleen , gabagabadii shirka waxaa la dhisay ururka dib u xoraynta Soomaaliyeed, waxaana mar kale Guddoomiye loogu doortay Sh. Shariif, Asmara ayaa laga iclaanshay Jihaad iyo xabad, waxayna samaysteen garab ciidan (Military) oo ka dagalama gudaha Wadanka iyo mid siyaasadeed oo uga qayb qaata wada hadalada iyo wada xaajoodka.
Midowga Maxkamadaha wuxuu u burburiyey Shirkii October ee ka dhacay Magalada Khartoum ee Wadanka Sudan in laba shardi la fuliyo oo kala ah: in Shirka laga saaro ergayga Kenyan-ka ah ee ka socday urur goboleedka IGAD, iyo in sidoo kale Wadanka laga saaro 300 oo ciidanka Xabashida ah oo ay dheheen waxay soo galeen Gobolada Baay iyo Bakool, sidaa ayaana lagu kala dareeray, shirkii ku xirmay maadama la is mari waayey, wadaadadu waxay ka gadood sanaayeen 300 oo ciidan Xabashi ahe, waxaa Dalkii harqiyey in ka badan 8000 oo ciidan Xabshi ah, waxay diideen iyo waxay soo jideen oo sabab u aheeyeen keeba daran?!, Jawaab uma baahna oo waan u wada joognay halaaggii dhacay.
Tariiqdu way soo noqnoqotaa; sidaa waxaa yiraa: Culimada ku xeel dheer sooyaalka, shirkii ka dhacay jabuuti ee u dhexeeyey Dawladda Empagathi iyo Ururka dib u xoraynta Soomaaliya, waxay mar kale Wadaadadii istaageen kuna dhegeen in laga saaro shirka Safiirka Dawladda Ethiopia oo goob joog ka ahaa shirka, is jiijiid ka dib shirkii wuu dhacay, waxaana ka dhashay Dawladda Midnimo-Qabyo- Qaran, waxaana mar kale Maxada ugu sarreeya loo doortay Sh. Shariif, waxaana lagu guulaystay in qayb badan oo ka mid eheed Ururka dib u xoraynta Soomaaliyeed ay ka mid noqdaan Dawladdaas Midnimo -Qabyo-Qaran.
Sh. Shariif intuu ku dhex jiray qulub qulubtaan wuxuu nagaha nooga shubay inusan marnaba ogolaanayn in Dalka la soo galiyo Ciidamado Shisheeye, ha ka imaadaan Dalalka dariska ah ama dalal kale, wuxuu si cad u dhihi jiray xilligii uu watay Qoriga Jihaadka inaysan dagaalka joojinayn inta ay ka baxayaan Dalka ciidamada shesheeye, wuxuu marar badan sheegay in muqaamawadu soconayso inta laga xoraynayo dibna ay u soo noqonayso madax bannaanidii Soomaaliya, wuxuu in badan ku dhawaaqay inuusan dagaalka joog sanayn inta shareeceda laga hir galinayo, Diintana laga dabaqayo, sooyaalka Jihaadka, Shareecada, Diinta, Muqaawamada, Islaamka, Xaqa iyo soo celinta khilaafada-waa sida ay dad dadan u aaminsan yihiin ama uu isaguba aaminsan yahaye- su'aashu waxay tahay hirgalinta arimahaan maxaa iska badalay?!.
Sh. Shariif wuxuu markii loo doortay madaxweynaha Dawladda Midnimo-Qabyo- Qaran caddeeyey in ciidanka Soomaaliyeed ku filan yahay sugidda ammanka iyo kala dambaybta, taas uu meesha kaga saarayey kordhin lala damacsanaa ciidanka Nabad ilaalinyta ee Midowga Afrika, waxayna eheed inuu Sh. Shariif ku socday aragtidii hore ee eheed shisheeye in laga saaro Dalka waa sida dad badan u arkaane!, balse intii uu ahaa madaxweynaha Dawladda Midnimo-Qabyo- Qaran waxa Dalka soo galay ciidamo ka socday Wadanka Burundi, balse Sh. Shariif waxba kama oran hadalna kama dhihin., Dawladad Midnim -Qabyo-Qaran xaaladda oo ku adkaatay awgeed waxay Dalka galisay xaalad deg deg ah (Marshal low), iyo inay ka dalbatay caalamka in loo soo gurmado ciidanna loo soo diro, si gaar ah waxay ugu codsatay Dalalka dariska Ethiopia, Kenya, Djibouti, iyo Yaman, go,ankaas oo Sh. Shariif uu ansixiyey qalinkana ku duugay!.
Saxiixa go'aanka iyo ansixintiisa Sh. Shariif waxaa ka sii muhimsan hadalka uu ka yiri ciidamada shisheeyey ee ay dalbatay Dawladdiisu isagoo yiri: “Ciidamadaan ma ahan kuwo wax u dhibaya Shacabka, waxayna ku shaqaynayaan aragtiga Dawladda”, isagoon xitta kala saarin ciidamada imaanaya Dalalka ay ka kala imaanayan, waa runtiis Sh. Shariif ciiddanka imaanayaa waxba u dhubi maayaan Shacabka aan ka ahayn: inay ka ilaaliyaan: xagatinta, fiitada iyo nabarka, balse ay ugu dadaalaan madfaca, hawsarka, hoobiyaha iyo hubka noocyadiisa waawayn, si ay u noqon: naf go'day, guri dumay, ganacsi buburay, dhaawac garaab ah, iyo kuwo garab rarato ah oo qaxaati ku ah geeri go'an, sidaa darteed ayuu Sh. Shariif rabaa in la sii kordhiyo dheefta Shacabka!.
Sh. Shariif waxbaa iska badalay, Qamiiskii iyo hoogoogtii (Camaamaddii) wuu iska dhigay-dabcan waa loo baahnaa inuu baftada cad iska dhigo- dalabka ciidamada dariska ah inay soo galaan Soomaaliya oon oganahay inay ku jirto Ethiopia maxay tahay?, maxayse ku kala gaddisan yihiin Sh. Shariif iyo C/laahi Yuusuf oo labaduba ogolaansho siiyey ciidanka Xabashida inay soo galaan Soomaaliya?!, waxaase la yaab ah C/laahi Yuusuf markii uu go'aanka qaatay waxaa is qabsaday qaylo dhaan iyo sawaxan aan xad lahayn ay garab socotay isu soobaxyo lagu diidan yahay go'aankaa, waxaana lagu suntay C/laagi inuu yahay daba dhilif dulli ah, dhaleecayntu kalama hakan, hadday tahay hadal, waraysi, war saxaafadeed, qormo, maqaal, faallo, gabay iyo guud ahaan wax walba oo wax lagu gudbiyo, waxaase si ka duwan loola dhaqmay go'aankii ka soo baxay Sh. Shariif iyo Dawladiisa, wax ka hadlay ma jiraan hadday jiraanna way yar yihiin, ma labada go'aan ayaan isku mid ahayn? Mise waxaa meesha ku jira qabyaaladdii Soomaalida, iyo Diintii dhankii la rabo iyo qaabkii la rabo loo jeedinayey? Tusaale u soo qaado waxaa jirtay war (Fatwo) uu soo saaray Sh. Cumar Faaruuq uuna ku caddeyey: “in ragga Xabashida la jaalka ah-uuna ula keeday Xerta C/laahu Yuusuf- ay yihiin Gaalo” balse intaan oo kale ma dhicin wali sidii uu usoo baxay go'aanka Sh. Shariif, ulama jeedo in seefta gaalaysiinta ay bulshada ku dhex faafto ama lagu loogu, bal waxan kaga jeedaa isku mid ahaanshaha labada go'aan iyo aamuska raggii shalay hadlayey!.
Sh. Shariif go'aanka uu saxiixay wuxuu ku noqonayaa inuu wax kama jiraan ka dhigay dhaqankisii hore ee ahaa inuu dagaalka u galay inay Dalka ka qabtaan qabqablayaasha ka ganacsada ugaarsida wadaadada, ka dibna dagaalka usii waday inuu Dalka ka xoreeyo shisheeyaha ku soo duulay ee qabsaday, si gaarana aan wada ognahaay xiriirka aan fiicnayn ee waligiiba u dhexeeyey Xabashi iyo Soomaali, shalay ma bannaanayn in Xabashida soo gasho Dalka maanta waa la ogol yahay?!, shalay ciidamo shisheeye lama rabin maanta waa loo yeeranaaya?!, C/laahi Yuusuf xaarayn bay ka eheed Sh. Shariifna waa u bannaan tahay?!, ma waxaa la hir galinayaa Maahmaadii aheed: Anna waa ii bannaan tahay adna waa kaa reeban tahay!!!, Sh. Shariif wuxuu ilmo iyo dhalinyaro nooga loogay magaca Jihaadka, Diinta iyo dal xorayn miyuu maanta ansixiyey inay Dalka soo galaan Xabashi?!, waa ayaan darro, waa mar xeero iyo fandhaal kala dheceen naf iyo maalba na dhaafeen, waxay noqonaysaa wax laga murgo!, waase su'aale Sh. Shariif sidaan ma wuxuu u samaynayaa aqoon darro iyo qibrad xumo uusan si fiican siyaasadda garanayn? Mise waxay ka eheed dan gaar ah uu Diinta u adeegsaday inuu ka dhigto gaadiid uu ugu guuro aqalka madaxtooyada?!, waxay tahayba waxaan rabaa inaan halkaan ku bidhaamiyo in Soomaalidu ka waantoobaan caadifadda, laab lakaca, iyo hal ku dhagyada beenta ah ama maran, waxaan ula jeeda inay ka qaangaaran inay midkii kasta oo Allaahu Akbar dhahaba ay u sacbiyaan ayna ka daba guuraan, shalay Caydiid, maanta Sh. Shariif iyo gadgaddoonkiisa, midda ah inuu wada hadal la furay Dawladda xilligii uu ku jiray waxa loogu yeero mucaaradka, waxay eheed tallaabo geesinimo leh muxuuse tallaabada oo kale u qaadi la'yahay?, balse markii la xanuunjiyey oo rag sare laga dilay dawladddiisa ayuu la soo istaagay: waa Argagixiso!, war nimanku shalay markaad isku jaalka eheydeen aad Dadka wada laynayseen Mujaahidiin (Muqaamiriin) ayey aheeyeen ee ma maanta ayey yihiin Argagixiso?!, dabcan marka loo eego xeer Soomaaliyeed dhaqanka Suuban Caqliga saliimka iyo qnuunka adduunka waa Argagixiso.
Sh. Shariif wuu isbadalaye dhankuu ku socdana waan u joognaa, balse arintaan waxaa ka horreeyey in Dawladda Sh. Shariif ay Kenya u hubaysay qayb ka mid ah Badda Soomaaliyeed, waa tallaabo gurracan, waxana xusid iyo boogaadin mudan qoraladii ay ka samaysay barta internet-ka ee Somalitalk, oo runtii aad u daba gashay oo bandhigtay xaqiiqo aan mugdi ku jirin, arimaha uu Sh. Shariif ku dhaqaaqay waxay ka noqoto: isbedel, faham garasho, ama tallabo tatik ah intaba, waxaa ka habboon in Soomaali fahamto waxa jira, xalaal miirad iyo xaaraan cune, waxaana filaa in Sh. Warkiisu cadyahay Shalay Jihaad, shareeco, wuxuu ku badalay inuu Xabashi yiraa: Hannoo imaadaan si ay noogu ilaalshaan kursiga iyo madaxtinimada.
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Comments
Post Comment
Ratings
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.












Somali Weblinks







Ads

plier!There are amazing 