Radio





Random Video

Random Avatar

Poll

Al-Shabab maxay yihiin?

Dad xumaato wadato!

Dad amaano wadato!

Somali Weblinks

Users Online

· Guests Online: 42

· Members Online: 0

· Total Members: 413
· Newest Member: Salman4us

Login

Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.


Advertisement

Random Photo

Ads

Tell A Friend


Your email:
Friend's email:
Copy for you?


Maantey oo kale waxaa caalamka looga aqoonsadey maalinta qaxootiga adduunka waxaansi dhihi karnaa maalinta qaxootiga soomaaliya

maantey oo ay ku beegan tahay maalinta loo aqoonsadey maalinta qaxootiga aduunka waxaan dhihi karnaa maalinta qaxootiga soomaaliya.

ka dib burburkii dowladi dhexe ee soomaliya waxaa la waayey nabadgelyadii iyo nidaamkii ey dowladi lahaan jirtey sidoo kale waxaa burburay guud ahaan ilihii dhaqaalaha wadanka waxaana saldhigan waayey isku dey kasta oo lagu soo dhiso maamul dowladeed nidaam waara iyo kala danbeyntii.
maantey oo kale 20ka jun waxaa caalamka laga xusaa maalinta qoxootiga adduunka ayadoo ay saas tahay ayaa waxaa sii kordhaya qaxootiga soomaaliyeed oo sanadba sanadka ka dambeeya ka soo barokacaya dhulkooda hooyo ayagoo raadsanaya meel ay ulla cararaan naftooda ayadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordheyso tirada qaxootiga soomaaliyeed oo aan markaan xisaaba laheyn hadaba dadka soomaaliyeed ee isaga cararaya dhibaatada iyo colaadan dabadheeraatey ayaa qaarkood wexeey ku baaba,aan badaha iyo saxaraha adduunka iyagoo xaduudaha wadanba wadanka kale uga sii talaabo si ey u helaan wadan ay magangelyo weydiistaan nabadgelyana ugu noolaadaan isla markaasna ka heli karaan shaqooyin.
sidoo kalana qaxootiga soomaaliyeed wexeey buux dhaafiyeen xeryaha qaxootiga ee wadamada aan deriska nahay halkaasoo ey ku heysato dhibaatooyin badan wexeeyna mar walba ku fekeraan sidii ey mar uun dib ugu noqon lahaayeen wadankoodii hooyo oo aan marnaba loo dhaamin balse wexeey riyadoodii rajo beel noqotey markii ey arkeen qaxooti hor leh oo maalinba maalinta ka dambeysa soo buuxdhaafiyey xeryihii ay ku jireen hooyo soomaaliyeed kuna sugan mid ka mida xeryaha qaxootiga ee dalka kenya ayaa dhowaan ku catowdey 19sano waxaan sugeyney inaan mar uun guryaheenii dib ugu laabano balse arintu wexeey hada noqotey ka daroo dibi dhal markii la soo barakiciyey shacabka intii ugu danbeysey.
si kastoo ay tahay xiliyadii hore dadku wexeey ka qixi jireen dagaalo sokeeye iyo hogaamiyo kooxeedyo hadana ma aanu dhici jirin barakaca nuucaan oo kale ah markii laga reebo xiligii 1991 markaasoo shacabka soomaaliyeed u cusbaa dagaalada iyo qaxa dagaaladii danbe ee ka dhacay wadankeena dadku wexeey u qaxi jireen xaafad xaafad markii loo eego magaalada muqdishana hadii qeyb dagaal ka socdo waxaa deganaa qeybaha kale dadkuna uma badneeyn ineey magaalada ka dhex baxaan.
aan u daadago dulucda maqaalkeyga qormo kaliyana laguma soo koobi karo qaxootiga soomaaliyeed xaalada dalkuna waxa uu ka sii baxayaa faraha marba marka ka danbeeeya sababtoo ah waxaa timid umad sheeganeysa ineey diin wax ku xukumayaan oo doonayaan kitaabkii alle hadana iskuqarxinaya dad muslimiina wexeey dilaan dadka kuwa ku soo tukada masaajidyada iyo inta waxgaradka ah sida aqoonyahano odeyaal dhaqameedyo wariyayaal qofkii jecel dowladnimada iyo nidaam iyo qofkastoo waxgaranaya kooxdaan ma cafiyaan qof nool iyo qof dhintayba waxaa isweeydiin mudan wixii nool weeyba carareen oo waxay u yaaceen qaxootigaan ka hadleynee kuwa dhintey ee qabuuraha laga soo qufayo halkeey qaxooti ku noqon karaaan? dabcan waa dad uu alle waa hore oofsadey ayagu dhib arki maayaan waxaana dhib qaba kuwa qufaya qabuuraha mana jirto meel ay kitaabka kaga taalo in la qufo qabuuro ay ku aasan yihiin dad muslimiinah
hadaba kooxdaan aan laheyn ujeedada cad soow lama dhihi karro waa kooxda ugu barakicinta iyo qaxootiyeeynta badan wixii ka dambeeyey burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya.
isku soo xooriyoo aqristoow waxba yuusan qalinku ila taginee waxaan ku soo gabagabeynayaa anagoo og diinteena macaan wexeey na fareyso iyo wexeey naga reebtey annagoo og qeyraadka dabiicigaa ee ilaahey nagu maneystey bad iyo bariba anagoo og cimiladaan heysano inaan caalamka laga heysan miyaan qaadanaa inaan qaxooti ahaano dalkeenii iyo diinteenii la dhalan rogo dhan kastana nalaga farageliyo suaashaas jawaabteedana aqristayaashaan u daayey.

W\Q Fardowso sh xasan kuriya.
email fardowsok@hotmail.com

Comments

#1 | cheap Women's ugg highkoo boot on December 28 2009 02:44:54
YS1228A8 Great job!Thanks for the message sUPplier!There are amazing ugg bootssale promotions on our company to thank for the moncler jacktets customer and to embrace the coming Christmas,once you buy an ugg classic argyle knit boots or ugg bailey button boots or other items on our website, you can Get One gift free.ugg mayfaire boots action is louder than ugg coquette slipper speak.Hurry UP,check and choose the gift you like on our website http://www.edhardy-buy.com/

Post Comment

Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings

Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.
Powered by PHP-Fusion and released without warranties under GNU Affero GPL v3.