XALKII SOOMAALIYA WAA KAN!

A/Clykm WWT, Waxan marka hore salaamayaa dhammaan ummadda soomaaliyeed oo laf iyo ludba walaalahay ah.

- Marka xigta si loo helo nabad waarta dalka iyo dad soomaaliyeed, waxan u arkaa in aan meel aan nabaddu jirin had iyo jeer laga doono, nabadda soomaaliya waxay ku imaanaysaa in wixii nabad la'aanta keenay asalkoodii la abbaaro ee aan faraca la isku daalin waayo, haddii aad geedka laamaha ka gurt way soo baxayaan, haddiise aad xididdada siibto way u dhammaatay geedkaas, sidaas dartted, dhibaatada soomaaliya haysata, oo aanan xaqiiqdii anigu weli maqal cid ka hadashay, qodobkaasina waa xaqiraadda iyo dullaynta hooyo macaan lugu hayo, waxaana qabiilkan lugu wareeray keenay markii hooyo iyo ehelkeedii cadow laga dhigtay aabbe iyo ehelkiisana ilaah laga dhigtay abtiriskiisa ilaa iyo nabi aadam, waayo hooyadu waa NETWORK, dadka dhan walaalaynaysa tusaale kooban haddaan sii bixiyo anigu waxan ka soo jeedaa 2 ruux oo kala ahaa aabbe Cayr Madarkicis iyo Hooyo Gidirey Karanle, laakiin aabbe ehelkiisa keliya ayaan qiimaynaa oo aan dhahnaa waa tolkey H/Gidir (Sacad, Saleebaan, ....), kuwa kale ee la siman ee xagga hooyo ka soo jeeda oo iyaga ka sii xaq badanna shisheeyaan ka dhignaa waa (Mursal Karanle, .... oo hooyo Gidirey Karanle la dhashay), bal yar akhri maansadeyda QABIIL WAA RAGAAD, oo ay ka mid ahayd ereyadeeda:

Soomaalidaas raaracdee kala riddoobaysa
iyagays rajeeyoo facood isu rigeeyeene
midka raaskambooniya midkaa reedda kale jooga
rugta ay ka timid hooyadood raaska cidaheeda
abtigood u roon habaryaroo ruuxa carafsayda
dhab haddaad u sii raadiseed jiridda sii raacdo
sida shabaqa caaradu rartee raadarka ad mooddo
riir qura inan wada nahaad riban lahaydeene
haddii aan ku rayneen sidaa raalli ku ahaanno
riixaanya waxan heli lahayn raaxo aakhiro e
balse raacigaan qabaliyee maanka ka rajoobay
abti baad ruqdaa beerki ood dhiiggi ruxataaye

habaryaro adoo ruugi oo una ribaynaaya

ricirahana aad hooyadaa ruugga uga joogto

sidee baad rilladi eebbe iyo roob ku heli heedhe ?

Qodobkaas Hooyada la dulleeyeyna wuxuu sii dhalay qodob kale oo haddii isaga la saxo uu isna dhib la'aan iska saxmayo, waa cudurkan na dullaystay ee AIDHIS nooga daran ee Hayb sooca lugu xaqirayo dad nala dhashay oo aan xaqirnayne nooba horreeya aaduun iyo aakhiro.

Qodobkaas isaga ahna waxan mahad uga celinayaa ilaaha boqorka ahi raalli ha ka noqdee Prof, Waddani, Mu'min, Abwaan: Max'ed Warsame 'Hadraawi' uu uga hadlay maansada DHUL GARIIR, ee uu weliba u billaabay halkii uu lahaa: XAAJADA HALKAAS BAAN DHIGOO DHAABAD BAW DIHINE, IN LA SII DHAQAAJEY RABTAA DHAYGAG BADANLEEYE,.... DHAXALKEEDA NIMANKII LAHAA WAY DHEBAANDHEBIYE, IYAGAA DHARAARABA HALKAAN DHAAFAY SII ORANE.

Sidaas darteed, halkaas qodob ee fudaydka haddii loo dhaqaaqo dhawr bilood gudahood ayey soomaalidu ku midoobaysaa, isku jeclaanaysaa, cadow iyo danaystena uunan soo dhex geli doonin insha allaah, .... laakiin waxan leeyahay car ha loo dhaqaaqo oo keliya yaan lacag la bixinoo qaaraan la aruurine, hooyo ha la qiimeeyo, oo yaan abaal kale loo geline keliya 33.5% oo xaqeeda ka mida ha loo qiro, illeen aababy 3 ugu laban laabantaaye.

ALLOW NUGU TOOSI.

Max'ed Cabdi Adam

Related Articles
-->

Comments

MAASHAA ALLAAH.

Asalamu calykum Wrxmt Wbrk, INTA KADDIB ANIGA OO MAHAD BALLAARAN U SOO JEEDINAYA WEBSITEKA HAMAREY.COM, IYO QORAAGA MAQAALKA MAX'ED CABDI ADAM, waxaan aad ugu bogay sida uu inankan maqaalka qoray u abbaaray halkii beladu ka taagnayd, waayo inta aan ka ogahay reer somaliland, haddii nin walbaa hooyadi keliya iyo ehelkeeda xushmeeyo maba jiri karaan cid qabiil isu disha waayo anigan idinla hadlaya ma jirto jufo reer somaliland ah oo aan i soo gelin, xitaa reer soomaaliya ayaa i soo gala, INNAA LILLAAH WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN, waar Hooyada ha la qiimeeyo, waar yaan hooyadaa la bahdilin, waar aabbe iyo hooyo way simanyihiin ee midna ehel gaar kuuguma ahan, midka kalena ajnebi kaama ahan, waar maxay culumma diinku arrinkan uga hadli waayeen oo ay uga seexdeen.

Waxan rajeynayaa in bishan bisheeda dhammaan magaca soomaaliyeed hal qabiil noqon doonaan hadday doonaan dowlado ha kala ahaadaane.

MAHADSANIDIN.

Muuse Nuux Guuleed, Burco , somaliland.

Comment viewing options

Select your preferred way to display the comments and click "Save settings" to activate your changes.

Post new comment

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.