Nin u dhashay wadanka Jarmalka ayaa dhawaan sameeyey qiso shaahid iyo sheeko aan horey loo arag ka dib markii xaaskiisii oo geeriyootey 18 bilood ka hor uu diiday in la aaso.
Ninkan oo aan magaciisa la shaacin isla markaana degan magaalada Bochum ayaa wuxuu xaaskiisa oo u dhimatey uu ku haystay gurigiisa isagoo dhigay maydkaasi qolka hurdada.
Wiil uu dhaley ninkaasi maydka xaaskiisa guriga isaga haystay oo 27 sano jira ayaa isku dayey in uu u sheego Boliiska falka uu ku kacay Aabihiis, hase yeeshee Odayga ayaa ku gacan sayay in la shaaciyo talaabada uu sameeyey.
Haweenayda geeriyootay oo da’deedu aheyd 64 sano ayaa u geeriyootay xanuun ay mudo la ildarneyd, iyadadoo ninkeeda uu diiday in la aaso.
Haweenay hadal hayeen ah oo u hadashey Booliiska magaalada Bochum ee dhacdadan ay ka dhacdey ayaa waxay sheegtey in wiilka odayga iyo islaanta dhimatey ay dhaleen uu isku dayey in uu arinta aabihiis sameeyey in uu u bandhigo eheladooda taasi oo keentay in qaraabadu ay Booliiska arintaasi ku wargaliyeen.
Booliiska ayaa hada ninkaasi gacanta ku haya iyadoo la eegayo in lagu qaado dambiyada ay leedahay in meydadka lagu haysto guryaha, waxaana wali shaacin magacyada ninka, haweenayda geeriyootey iyo wiilkooda.















Comments
Post new comment