Muqaalkii Magaalada Muqdisho Midabkii cadaa mar keliya madow isu bedelay!!!

Meeshan aad arkaysaa waa magaala madaxdii Muqdisho
waa xaruntii dalka muuqaalada aad arkaysaa waa qaybo ka mida oo laga soo qaaday
magaalada muqdisho meeshaani waa isgoyska siinay ee ay isugu imaan jireen degmada yaaqshiid ,boondheere iyo wardhiigleey

Waxaa ku nool meeshan dad tiro yar waxaana ka taliya
kooxaaha mucaaradka dowlada ee ku qaraabta diinta
weliba kooxda alshabaab waxaa lagu dilay intay nimankaasi ka talinayeen
ilaa bilowgoo bishii 2aad ee sanadki la soo dhaafaymarkii dagaaladu muqdisho dib uga bilowdeen ilaa maanta 145 qof oo shacaba oo nooc walba leh sida Dhaakhaatiir , Macalimiin , culumo , Hogaankii dhaqanka,. Aqoonyahan ,Hooyooyin iyo Haween nooc walba leh
Dhalinyaro iyo Waayeel

Iyada oo dadka ku dhintaa aanu ahayn intaas keliyahadana waxaa keliya ay tiradan ka kooban dadka sida tooska ah loogu bireeyaywaxaa jooga dhalinyaro aan aqoon u lahayn aqoonta iyo xaqiiqda diinta hadana saacad walba ku xadgudbayaa .

markaas hoteladii jaamacadihii dugsiyadaii waxbarashada dugsiyadii
quraanka aragto waxaad dareemaysaa in meeshan ay tahay meel qowmkii deganaa masiibo ku dhacday ama la rogay sidii qoomamkii hore ee diinteenu inoo sheegtay jirtay .
waa masiibo qaran oo la mida dhulgariirka Haiti ka dhacay ama duufaanada ka dhaca laatiin amerika ama fulkaanayaasha qarxa ama daadkii sunaamiga dagaalada maanta ka soconaya magaalada muqdisho waayo waxaa maalin walba ku naf waa dad gaadhayaa ilaa
500 magac alaale magacay doonaan ha sitaan ilaa hadana ma jiro qof si dhab ah u qeexi kara ujeedada dhabta ah ee ka danbaysaa dagaalada dhacayaa , waa fitno, waa nabsi waa kibir
Waa halaag waa la yaab iyo siyaabo badan ayaa lagu macneeyaa balse cid si dhaba uga faaloon karaysaa ma jirto shacabku waxaa ku dhacay jahawareer meel ay dantooda tahay iyo qolo saxan midna ma garanayaan hadba sidii daad ayaa dhinac u dulaamayaan. Aduunyoo xaalkaa ba,a

dagaaladii sokeeyaha waxay ahayd magaalada muqdisho meel aan wax is bedel ah
ka muuqaan waxay lahayd suuqyo iyo meherado iyo nooc walba adeega
bulshada waxay taasi ku tusaysaa ina hogaamiye kooxeedkii shalay
wax aanu gaysan dalkana gaadhsiin iyo ciidan beeleedyadii ay sababeen
Dagaaladan indhala,aanta ah ee ka dhacayaa magaalada muqdisho
iyo qaybo ka mida dalka bartamaha iyo koonfurta soomaaliya

waxay saamayn ku yeelatay arintani dhalintii ku dhalatay ama ku kacaantay
goobihi bilicda samaa iyo biibitoyinkii baashaalka ay isugu iman jireen oo
hawd noqday iyo guryahoodii oo la dudunshay lana dhahay
sidaan ayay sax ku yihiiin

waxaa hadaba la yaab ah in nimanka cadaanka ah iyo akaanibtu u sheegaan
dhalinyarada soomaaliyeed inaysan aduunyadu faa,iido lahayn balse aysan u sheegin
in iyagu naceen oo aakhiro u socdaan waxay u sheegaan inay iyagu haddii ay dhintaan
jihaadka dhaawacmayo oo dhaqaale iyo dhiirigelin aysan helayn.

isma qarxiyaan waxay qarxiyaan caruurta iyo da,yarta soomaaliyeeed
iyagu janada ay u diran waxay sugayaan markay dhintaan

waxaa la yaableh in umada soomaaliyeed aysan maanta ogoyn oo dareensanayn
masiirkoodaa iyo meesha uu ku danbayn doono aayaahooda nololeed nabadeed
iyo nolosha danbe ee ubadkoodaa . ilaahayoow waa taada

waxaan ku soo afjarayaa hadalkayga

muqdisho waydin aragtaa
marsadii dalkeeniyo
madashii dadkeeniyo
waa magaalo madaxdi
meel bahalo nooliyo
miranayso duurjoog
mukulaalo keliyuun
maxastiina lagu dilay
maatadiina lagu gubay
muslinkiina laga raray
nin muhaajir sheegtiyo
mid mucaarad sheegtiyo
midka dowladnimo wada
midna malaha naxariis
maanta aan ku raacnaa
mawlaan ka sugaynaa
mawlaan ka sugaynaa¨
ilaahbaa maciinoo
ilaahbaa muqiisoo
munsar iyo gargaare ah
maalikii aduunkiyo
alle magantii wada nahay

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Abdirihiin1@hotmail.com

Related Articles
-->

Comments

niyad xumo

asc wr wbr all walala yaal somaliyey waa wada salaman tahin walalayal waxan aad iyo aad ugu xumahay nasiib xumadena dalkenaga ku habsatay lakiin waa ilaah mahadii waa imtixaan ilaah nogu tala galay insha alaah waxeyna ku ekaneysaa xiliga alaha awooda leh ugu tala galay niyada waa inan qayr badan u sheeg kanaa insha alaah asc dhamaan

Comment viewing options

Select your preferred way to display the comments and click "Save settings" to activate your changes.

Post new comment

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.