Maansadan waxay dhexmaraysaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ee shariif Shiekh Axmed iyo Magaala Madaxda Muqdisho oo doonaysaa inay waydiiso waxqabadkii dowladii magaca quruxda badnayd ee la soo dhisay isanadkii hore oo maalmahan fooda inagu soo haysaa sanadguuradeedii la galayo iyo halkay ku danbaysay midnimadii qaranka ee ay ku baaqeen isaga iyo 550 xubnood ee baarlamaanka ah iyo 38ka wasiir ee dowlada bal hadaba bogasho wacan maansadii Mashaqadii muqdisho
Muqdisho
Marka hore salaaniyo
Mudanoow wanaagiyo
Murwaadkii gobeediyo
Milge iga gudoonoo
Madaxweyne iga hoo
Marka xiga su,aaliyo
Ma huraan ujeedada
Aa mariyo iga maqal
Mar uun jaanis I yeel
Muraadkaan u jeediyo
Moosinkayga dhawroo
Hana seegin marinkee
Runta miiska ii saar
Mudanoow dalkeenii
Maxaa macaaleeshiyo
Muunad li,ida dhigaye
Mahuraankii helayee
Midnimadii burburiyee
Midba magac u bixiye
Malaayiinta calaniyo
Midba meel ujeediyo
Meehanawga badayee
Kala maaga nagu riday
Adigaa masuulooo
Madaxweyne qaraniyo
Laguu doortay maamule
Midnimadii ma haysaa ?
Marinkaan ku heli laa
Milgaheenii qaranimo
Adigaa mooshinkii helay
Dadku kuu maqsuudeen
Laguu muunadeeyee
Madaxweynenimadiyo
Masuulnimo gudoontee
Mudaad meesha joogtee
Maxaad qabatay mudanoow??
Madaxweyne Shariif
Ma magaaladiibaa
Ma xaruntii dalkaygiyo
Meeshii ugu mudnayde
Maankayga deeqdaa
Ma halkay ku taalee
Madaxtooyadaydiyo
Minankaan jeclaabaa
Marka hore magaalooy
Muqdishaay I maqaloo
Muranka iga dhawroo
Ma ogtahay inaan ahay
Madaxweyne daacada
Ma ogtahay inaan ahay
Nin muwaadnimo lehoo
Maalintiyo habeenkii
Muusanawga qaylada
Inta madax madawliyo
Inta midab cad oo idil
Ugu maqan dalkiisiyo
Maatada dadkaygoo
In naloo miciinooo
Mar uun aynu moodnaa
Mashaqada haleeshiyo
Masiibadan dhacaysoo
Marna aan ka daalayn
Soo celinta maandeeq
Marna aan ka daalayn
Mugdiga inuu ka saaroo
Maatada wanaajoo
Malaaayiin ku bixiyaa
Ma aqridid miyaaa weli
Muqdishay wargeeysyada
Mana ogid miyaa weli
Maqalka iyo aragtida
Ninka ugu murtida badan
U macquulsan inaan ahay
Maxaa maanta kuu daran
Ma fahmine bal ii mari??
Muqdisho
Ma dhabaa dadkaygoow
Mudanuhu waxuu yidhi
Ma wax loo maqsuudoo
Dadow loo mashxaradaa?
Mise waaba dhalanteed!!
Mudanoow I maqaloo
Ha masuugin hadalkoo
Miisaan jawaabliyo
Mid macquula iga sii
Su,aalahan I madaxmaray
Miinada qarxaysiyo?
Muslinkaa la dilayiyo
Mahlakada na haysiyo
Maydka aan la aasayn?
Ma xaqbaa habeenkii
Madfaca iyo hoobiye
Inaad maatadaydiyo
Masaakiin agooniyo
Maxasta iyo dumarkiyo
Muslimiin ku laysaa?
Ma waxaan mutaystaa?
Nimankaan madoowiyo
Kuwa marada duubtee
Madaxooda qariyee
Muslinimada sheegtiyo
Waan mujaahidaynaa
Dhibka ay I mariyaan?
Micna li,ida lagu dilo
Dadka kii macquulee
Moorada la gubayaa
Minankaagii weeyaan
Mid dareemi karayoo
Maankiis ogyahayoo
Milicsada ma joogee
Maatada la gubayaa
Macaan hooyadaa iyo
Waa masuulkii abaaha
Mhuraan walaalkaa
Malabeey walashaa
Mid yidhaahda kuma jiro
Yaanan moodin marinkoo
Maaxda hadalka duminine
Madaxweynahaygoow
Maqaloo ujeedada
Mudo waan ku sugayee
mMaad maanta haysaa ?
Madaxweyne Shariif
Muqdishaay inshalaah
Maalin dhaw xoriyadiyo
Nabad loo maqsuudiyo
Mudnaantaadii waad heli
Waxaa iman maraykaan
Melereriga dunidiyo
Mooska iyo raashiyaa
Mariinada talyaaniga
Ingiriis maryacadiyo
Midowgeeda yuruboo
Midh qudhaba maqnaynoo
Maraakiib dagaaliyo
Miigaag duulayaa iman
Misel ayay la dhacayaan
Mid kasta oo mucaarada
Afrikada madoowiyo
Midowgii ifriiqiyaa
Iyomool amxaaro ah
Waxay maro ku jiitaan
Cadowgeena waan madhin
Kuli waan makalayaa
Arin ayaan malmalayaa
Majarihii dagaalkiyo
Kartaan milqaayaa
Ha i moodin moogane
Masuul sare ayaan ahay
Madaxweyne qaraniyo
Ma taabtaan ayaan ahay
Muslin daacaadaaan ahay
Nin macaan ayaan ahay
Nin munaafaq neceboo
Runta mariya baan ahay
Mudnaantana anayska leh
Nin mutaystay baan ahay
Muqdishaay ma fahantoo
Ma ku deeqday xaajadu!!
Muqdisho
Bal maqlaay wadaadkii
Mudanaha warkiisii
Iyo midha dhalkiisii
Maantaanbaa sii go,ay
Miyir iyo wanaagiyo
Mood iyo aduunyiyo
Maatada qaxaysooo
Milkida oo dhulkoodii
Nabad lagu mabsuudiyo
Manfac lagu negaadiyo
Miciin baan sugaayee
Waxuu yidhi maraykaan
Ma kuwii ciraaq gubay
Ma kuwii aduunyada
Mahalakada ku kiciyee
Muslimiinta madhiyee
Mucjisada qarniga iyo
Mahadhada kuwii dhigay
Ma Ibliisyadii yurub
Mooskiyo dadkeedii
Alla mooge weeyaan
Wiilkii maddoobaa
Maba oga waqtiga dhacay
Maba oga alhuumada
Ma amxaar ayaad tidhi
Meles ciidankiisiyo
Waxaan magangelaynaa
Maafiyadii wayaana ah
Maanka iyo qalbiga iyo
Maskaxday gadoontoo
Murugaan la deris ahay
Inaad maaro keentoo
Masuulnimo awoodiyo
Madax baan ku moodee
Madaxweyne qaranoow
Ma dhabaa waxaad tidhi!!
kuwa maxasta laayee
Midigtiyo gacmaha iyo
Madaxaba ka gooyee
Murtadnimo ku sheegiyo
Kuwa madow yugaandhiyo
Malowyada duqayntiyo
IgU mira madfaca ee
Iga madhiyay maatida
Inaad iga maciintoo
Meel iiga yeeshaan
Mudane kaa filaayee
Moolka kale ayaa iman
Maqalkaygu muu rabin
Miyaadan marinkaleetiyo
dhaqankii mudnaa iyo
Muftaaxii cilmiga iyo
Mayalkii wanaagiyo
Masiirkii islaamkiyo
Maqal siiradeenii
Taas maaha mudanoow
Mid caqliga galayseee
Macne kale ma haysaa???
Fiiro Gaar ah Maansadani way dheertahay sidaa awgeed si aqristayaasha ay ugu fududaato waxaan u samayey qaybo kale markaa qaybtani waa tii koowaad welina waa socdaa waraysii iyo dood iswaydaarsigii caasimada muqdisho oo metelaysaa shacabkeedii
Iyo madaxweynaha dowlada KMG ah oo metelayaa xukuumadiisaa
Waxayna soo bixi doonaan qaybaha kale inshalaah dhawaaan ee la soco
Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr















Comments
Post new comment