Cunug afar lugood ku dhashay.

Waxaa arin mucjiso leh ay noqotay kadib markii maalinimadii jimcaha ee shalay uu ku dhashay cisbitaal ku yaala magaalada Xalib ee wadanka Suuriya cunug afar lu goodleh,kaas oo si aan dhibaato lahayn uga yimid minka hooyadiis,iyadoona ay dhakhaatiirtii ka umulinaysay hooyadiis ay si aan dhib lahayn u soo saareen cunugaasi.

Maamulaha cisbitaalka caruurta ee magaalada Xalib ee Suuriya Axmed Sheikh ayaa sheegay in uu cunugaasi ahaa markii uu abuurka ku jiray labo mataana ah,laakiinse uu is badalay bartamaha xiliga uu ku jiray heerarka koriinka ee Minka hooyada.

Dhakhtar qaabilsan qaliinka oo lagu magacaabo Muniir Caruuq ayaa isguna sheegay in uu cunagani yahay mataano aan

dhamystirneen,kaasoo si Naadir ah loogu arko caalamka ilmo ku dhasha xaalada mataano aan dhamaystirmin.

Maamulka cisbitaalka uu ku dhashay cugani ayaa wada xanaanayn joogta ah oo ay sii nayaan cunuga iyo hooyada dhashay.

Dhakhaatiiru waxaa kaloo ay sheegeen in aanay weli kala cadayn Karin in uu ilmahan yahay gabar ama wiil,laakiinse ay baaritaano ay ku samaynayaan cunugaasi kadib ay kala cadayn doonaan.

Arintan Mucjisada leh ayaa si dhifdhif ah uga dhacda caalamka iyadoona aan inta badan lagu arkin dhacdooyinka caalamka ee caruurta dhalata,labo mataana ah oo ku xumaada inta ay ku jiraan minka hooyada kadibna isu badala sedan oo kale.

Related Articles
-->

Comments

subxanallah

illaheey amuurihiisa weey badan yihiin cajiiiiiiib

Comment viewing options

Select your preferred way to display the comments and click "Save settings" to activate your changes.

Post new comment

CAPTCHA
This question is for testing whether you are a human visitor and to prevent automated spam submissions.